Xisbiga kulmiye oo markale ka hadlay Doorashada Somaliland ka dhaceysa sanadkan.

shir ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga ee caasimadda Hargeysa, waxay falanqeeyeen diyaargarowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda dalka ee xeerarkooda la dhammaystiray, isla markaana Madaxweynaha Qaranku saxeexay.

Shirka Guddiga Fulinta kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu shacabka u caddeeyeen in Xisbigiisu diyaar u yahay doorashooyinka, natiijadoodana ay u hogaansamayaan, isagoo ugu baaqay daneeyayaasha kale ee doorashooyinka inay aanay carqalad ku noqon geedi-socodka doorashada, isla markaana looga baahan yahay inay caddeeyaan inay aqbalayaan natiijada doorashooyinka.