SIDEE AYEY KU TIMID XUSKA MAALINTA HAWEENKA ADUUNKU?

Maalinta caalamiga ah ee haweenka waxay asal ahaan ka soo jeedaan dhaqdhaqaaqyadii lagu baadi goobi jiray xuquuqda haweenka ee horraantii qarnigii 20aad. Maalintan ayaa ka dhalatay halgankii haweenku ku baadigoobaayeen in si ay u helaan xuquuqda dhanka shaqada iyo codbixinta.

Markii ugu horeysay wadanka Maraykanka ayaa laga xusuay maalinta haweenka qaranka bishii Febriwari 28, 1909, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Xisbiga Hantiwadaaga ee Mareykanka. Fikradda ayaa heshay soo jiidasho caalami ah, 1910-kii, Shirweynihii Haweenka Adduunka ee Kobanheegan ayaa soo jeediyay in la sameeyo maalin gaar ah oo loogaga doodo xuquuqda haweenka adduunka oo dhan.

Maalintii ugu horeysay ee si rasmiga ah loo xuso maalinta haweenka caalamiga ah waxay ahayd March 19, 1911, waxaana laga xusay wadamadda Austria, Denmark, Germany, iyo Switzerland.

Sannadkii 1917-kii, 8-dii Maarij haweenka Ruushku waxay dhigeen mudaharaad wayn oo ay ku dalbanayeen “Roodhi iyo Nabad”. Dhacdadan ayaa dhacday xilli qalalaase siyaasadeed iyo cunto yari ka jirtay Ruushka.

Shaqo-joojintii ay sameeyeen haweenka shaqaalaha ah ee Petrograd ayaa ahayd mid lagaga soo horjeeday xaalad nololeed oo aad u adag, cunto yari iyo dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii 1aad ee aduunka.Banaanbaxa ayaa sii xoogaystay ugu danbayna waxa uu isku bedelay dhaqdhaqaaq balaadhan kaas oo horseeday in xukunka laga tuuro Tsar Nicholas II oo la dhiso dawlad ku meel gaadh ah.

Wixii maalintaas ka dambeeyey waxaa isa soo taraayey awoodda iyo firfircoonida haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin kicinta isbeddel bulsho iyo mid siyaasadeed.

Maanta, 8-da Maarij waxaa caalamka looga aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee haweenka. Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1977 si rasmi ah u aqoonsatay maalinta caalamiga ah ee haweenka.

Alle subxaana watacaala ayaa quraankiisa ku cadeeyey xaqa iyo xuquuqda haweenaydu leedahay iyo mida lagu leeyahayba.