Applicationada Facebook iyo instigram oolaysku yidhaa meta ayaa Hawada ka baxey kadib cillad ku timid.
Cillad guud ayaa waxay ku timid aplication-da facebook iyo intsgram oo uu mulkiile ka yahay Mark Zuckerberg oo udhashey dalka mareykanka .
saacada geeska africa markay ahayd 6da fiidnimo ee geeska ayaa waxa halmar hawada iska saarey aplication-da facebook oo uu weheliyo instgram.
Aplication-dan ayaa waxa si weyn u isticmaala dadyowga caalamka iyagoo siyaabo kala duwan u isticmaala sidaa la socodka xaaladaha dunida , xayeysiisyada ganacsiyada iyo sidoo kale faiimaha oo dadku ku wada xidhiidhan .
Aplication-ada kale ee baraha bulshada sida youtube whats app, tweter iyo tiktok ayaa wakhti xaadirkani shaqeynaya lamana oga ilaa iyo wakhtiga ay hawada ka maqnaan doonaan facebook iyo instigram .