Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod Aqlabiyad ah Ku laalay lacag ay DP World sifo sharci darro ah kaga qaadaysay shirkadda wadaniga ah Ee Daqiiqda Al-wadaniya.
Ka dib markii Cabasho ay Golaha Wakiilada U Gudbiyeen labadan shirkadood Ee Al-wadaniya iyo Omaar oo ujeeddadeedu ahayd in shirkadda DP world Ku khasbayso inay bixiyaan lacag sharci darto ah oo aanay wax adeeg ah ugu qaban.
Go,aanka Golaha Wakiiladu Ku joojiyeen lacagtan sharci darrada ah Ee ay DP World ka qaadaysay shirkadda Al-wadaniya, Ayaa Waxa Uu Soo maray marxalado kala duwan, iyada oo ay go,aamo hay,adaha dawladdu ka Soo sareen, balse ay ka dhego adaygtay fulintooda Dp World
Hadaba Golaha wakiilada Somaliland ayaa markii ay Soo gaadhay cabashadan shirkadda Al-wadaniya Guddi gar ah u Saaray Si ay usoo badhaan xaqiiqada dhabtaha ah iyo sida sharcigu Qabo.
Baadhis badan Ka dib Guddidan ayaa Golaha maanta usoo gudbiyey xaqiiqada dhabta ah iyo in ay DP World lacagta ay ka qaadaysay Al-wadaniya tahay mid sharci darro ah Kuna xad gudbaysay qodob distoori ah iyo qodob ka mid ah heshiiskii ay Somaliland la gashay.
Xildhibaan Axmed cabdi Ibraahin Timojilic oo ka mid ahaa Guddida loo Saaray Arrintan ayaa Ayaa Golaha warbixin dhamaystiran u akhriyey, waxaana cadaymahaa ka mid ahaa warqad Dp.worl qortay oo ay Ku sheegayso in Shirkadda Al.wadaniya Aanu geelle Shaqo Ku lahayn qaabka rogista qamadiga…
Intaasi ka dib Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiilada Siciid mire Faarax Giire ayaa cod geliyey sidaas ayaanay Ku lalaeen Golaha Wakiiladu lacagtaas sharci darrada ahayd…