kooxda kubada cagta ee Dawlada hoose ee Burco ayaa maanta iska xaadirisay kulanka kama dambeysta ah ee finalka koobka Horyaalka horyaalada somaliland”Somkaliland champion” kadib guul ay ka gaadhey kooxda ku ciyaareysay magaca shirkada DP WOLD.
Hore waxa ciyaarta finalka iskaga xaadirisay kooxda ciidanka Asluubta ee hargeysa oo iyaduna rikoodhayaal kaga adkaatey kooxda wasaarada maaliyada hargeysa.
kulanka kama dambeysta ah ayaa la ciyaaraya maalinta khamiista ee todobaadkan iyadoo lagu ciyaari doono garoonka cabdalle stadium ee magaalada berbera .