Booliska Somaliland oo Gacanta kusoo Dhigen Wiil Aabihii Diley.

Warbixin:- Ciidamada Booliska JSL garahaan Qaybta Gobalka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ku eedaysan inuu xalay Abbaarro 8:00 Habeenimo ku dilay Aabbihii Marxuum Maxamed Cabdi Nuur (Xamari) Magaalada Ceerigaabo , waxaanu ku dilay xabbad.

Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo Ciidanku sameeyay ayuu kusoo qabtay eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska, iyadoo degdeg loo horgayn doonaa sharciga.

Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii Amni darro wadana naga gacansiiyaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.