Puntland oo yeelatay Gole wasiiro oo cusub

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo dhisay golihiisa wasiirada cusub ee laga sugaaye tan iyo intii dib loo soo doortay horraantii bisha Janaayo ee sanadkaan.

Golaha cusub ee xukuumadda Puntalnd ayaa waxaa ku jira wasiro cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa golihii wasiirada ee muddo xileedkii hore ee Saciid Deni.