Xildhibaan Axned Nuur Guruuje oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ayaa difaacey maayirka Caasimada Hargeysa oo warar aan xaqiiqadooda lahayn ay tibaaxayaan in La doonayo in laga qaado Xilka Maayirnimada Hargeysa.
Xildhibaan Guruuje wuxuu Tilmaamey in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge uu wax badan ka qabtay Gudaha Caasimada sida Dhisidda wadooyin Casri ah ,Dayactirka Xarumaha dawlada hoose ee Degmooyinka Caasimada iyo Cagaarin uu ka sameeyey inta badan Wadooyinka Caasimada.