Somaliland oo war kasoo saartay Maydka Marxuum Cabdinaasir Dahable

Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa oo maanta Hadlay ayaa sheegay in baadhitaan saacado badan qaatey oo ay ku sameeyeen Maydka marxuum cabdinaasir oo muqdisho lagu diley isla markaana shalay hargeysa la keenay ayaa sheegay inay ka heleen Astaamo kala duwan .

wuxuu sheegay inay arkeen calaamado dhanka isha ah oo nabar weyni ka gaadhey sidoo kalena waxa uu sheegay in Cunaha xadhig lagaga duuduubay.

Alle ha unaxariiste marxuumka ayaa lagu Aasaya magaalada Gabiley .