Guushu waa Natiijada udambeysa ee uu qofku ku arko dadaal badan oo uu bixiyey isla markaana uu daacad ka ahaa qabashadiisa.
Halkan ka akhriso Qodobo kamid ah Kuwa guusha Uhorseedi kara Qofka .
1: Waxay leeyihiin dabeecad togan. Waxyaalaha taban waxay si joogto ah u yimaadaan, laakiin waxay barteen inay helaan wanaagga. Waxay barteen sida wax looga barto xumaanta halkii ay uogolaan lahaayeen inay ku dhaqmaan xumaanta . Dabeecaddoodu waa mid wanaagsan oo tixgelin leh . Waxay ku dadaalaan inay dhisaan kuwa kale inta ay jidka ku jiraan!
2: Waxay qiimeeyaan waxqabadkooda: Haddii ay guulaystaan ama ay guuldaraystaan waxay si joogto ah u arkaan waxay samayn karaan si ay u fiicnaadaan, marka xigta. Si isku mid ah ayay u eegaan guulaha iyo khasaarooyinka, sida fursadaha horumar. Waxay weydiiyaan dadka kale jawaab celin, waxayna ka shaqeeyaan inay ku daraan talooyinka si ay usii wadaan guulahooda .
3: Waxay la fadhiistaan oo ay la socdaan guuleystayaasha kale! si ay uga korodhsadaan khibrado dheeraad ah oo la xidhiidha guusha iyo dhameystirkeeda iyagoo nafahooda ku dabaqa waxay talo iyo tilmaan lala wadaago .
4: Waxay aaminsan yihiin naftooda. Waxay kalsooni iyo aaminaada ku qabaan naftooda iyo kartidooda. si joogta ahna waxay usameeyaan dadaalkooda ka gun gaadhida guusha iyagoo ka fogaanaya wax kasta oo hor istaag ku sameynaya dadaalkooda.
5: Waxay geliyaan waqtigoodashaqo kasta oo ay ubaahantay guusha iyo dhameystirka halganka qayb kamid ah in kasta oo aanay guusha halganka iyo dedaalkuba dhamaanin ,Halka kuwa kale ay daawanayaan TV-ga, isla markaana ay yihiin kuwo ciyaaraya kubadda , oo ay seexdaan goor dambe, halka kuwa guusha wadadeeda haystaan ay yihiin kuwo goor hore ay seexdaan isla markaana ay akhriyaan buugaag, kuna tababartaan, oo ay halkaasi ku noqdaan kuwo himiladoodu sii socoto oo ay xoogeysato
6: Iskuma dayayaan inay shan shay hal mar sameeyaan. waxay shaqooyinka ukala horeysiiyaan sida ay ukala mudan yihiin maaba ukala horeeyaan iyagoo ka fogaanaya inay shaqooyin dhawr ah ay hal mar wada sameeyaan taaasi ooo ku keeni karta jahawareer iyo qorshe xumaan ku timaada .