Banaan-baxyo xoogan oo ka dhacey Israel .

Kumanaan dad ah ayaa isu soo bax ka dhigay magaalada Talaabiib , kuwaas oo ka soo horjeeda, xukuumadda Ra’iisul Wasaare Bin Yamiin Netanyahu.

Dadka isu soo baxay ayaa ku baaqayay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waxayna qaarkood shideen dab, halka qaar kalena, wateena boodhadh ay ku qornaayeen hadallo ay uga soo horjeedaan Netanyahu.