Xukuumada Somaliland oo soo dhaweysay Madaxweyne Hore Rayaale oo Hargeysa kusoo laabtay.

Masuuliyiin sare oo ay kamid yihiin wasiiro ,Wasiir ku -xigeeno iyo xubno kale oo ka tirsan dawlada Somaliland ayaa waxay maanta soo dhaweeyen Madaxweynihii Hore ee somaliland Daahir rayaale kaahin oo dib ugu soo laabtay Hargeysa.

Madaxweyne hore rayaale ayaa talada somaliland hayey muddo ku dhow 10 sanno isagoo Xilka Madaxweyne qabtay 2003 isla markaana waxa uu ka dagey sanadkii 2010kii kadih doorasho Madaxtooyo oo somaliland looga dareeray sanadkaasi .