Xisbiga waddani oo ka hadlay Caqabad ka taagan qaybta dhimirka ee Cusbitaalka weyn ee Hargeysa.

Xisbiga Mucaaradka somaliland ugu weyn ee waddani ayaa dhaliilay nidaamka maamul ee qaybta dhimirka ee cusbitaalka weyn ee Dawlada ee Hargeysa.

waxa uu xisbigu sheegay in muddo 3 bilood ah shaqaalaha qaybta dhimirka ee cusbitaalku aanay qaadan wax mushahar ama dhaqaale ah.

wuxuu sheegay oo uu si weyn uga hadlay cuntada la siiyo dadka ku jira qaybta dhimirka ee Cusbitaalku in aanay ahayn middii ay rabeen amaba ku habooneyd.

sidoo kale xisbiga waddani waxa uu sheegay in mashruuca dawada amaba kiniinka ay qaatan dadka dhimirka (Waalidu) Uu yahay mid ay qaaten xildhibaano ka agdhow madaxweynaha Somaliland.

sidan waxa warbaahinta usheegay Xoghaye ku xigeenka ganacsiga ee Xisbiga waddani Cabdirashiid saleeban.