Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabatay magaalada Kismaayo ku sheegay in dhawaan uu tagi doono dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka midowga Afrika.
Wuxu intaa ku daray in laba shir oo kale oo kala ah kulan doceed ay IGAD soo qabanqaabisay iyo shir ay yeelanayaan waddamada bariga Afrika, oo Soomaaliya ay ka qayb gali doonto, ay labadaba ka dhici doonaan isla magaalada Addis Ababa.
“Shirarkaas muhiim ayey Soomaaliya u yihiin, waxaanan u tageynaa in aan shirarkaas ka qayb galno, iyo dabcan farriinteenna aan wadno in aan gudbinno, taasoo ah in Soomaaliya ay tahay dal gob ah oo xor oo dawlad leh, lamana fara gelin karo, arrinta ay Itoobiya maalmahan ku dhaqaaqeysayna weli mowqifkii aan ka taagnayn meeshiisii ayuu naga taagan yahay, waana mowqif adag oo si aan uga tanaasulno aysan jirin”.
“Dalkeenna in la iska soo gal-galo oo qaar la iska goosto waa arrin aan soconayn, horena waa u sheegnay, haddana waa ku celinaynaa, farriintaas ayaan caalamka hore ula wadaagnay, haddeerna la wadaagaynaa, laakinse shirarkaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, waajibna ay ku tahay inay qayb gasho ayaan ka qayb galaynaa, guulo iyo diblomaasiyad xoog leh ayaan ka rajaynaynaa” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.