Hay’ada duulista iyo Hawada ee soomaaliya ayaa war kasoo saartay hadalo maanta kasoo yeedhay Dawlada somaliland oo ku saabsan Maamulka hawada ee labada wadan.
Maareeyaha Hay’adda madaarada somaliland oo maanta hadlay ayaa sheegay in soomaaliya ayaa xoog kula wareegtay maamulkii hawada labada waddan isla markaana ay lunsatay lacag dhan 60 Milyan oo dollar oo ahaa dhaqaalihii muddo lix sano ah kasoo xaroodey hawada oo somaliland xaq ulahayd.
geesta kale maareeye Cumar sayid ayaa sheegay in somaliland ay lasoo wareegtay hawadeeda wixii maanta ka bilaabmana soomaaliya haddii ay tallaabo ka dhan ah somaliland ay qaado ay iyadu qaadi doonto Masuuliyada dhibaatada halkaasi ka timaada.
Soomaaliya oo arrintan ka jawaabeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay sheegashada somaliland ee lacagahan aadka utirada badan waxayna shacabka wadankeeda ku wargelisay in maamulkii hawadu sidiisi yahay isla markaana aanu jirin hawo ay somaliland maamulkeeda la wareegray .