Dhigaalkeena maanta waxaan ku soo qaadan doontaa xog kooban oo ku saabsan applicationka ama websiteka soomaalidu aadka u taqaano ee 1xbet iyo khataraha ku gadamaan.
Waxaa la aas aasay sannadkii 2007, bugdhigiisuna wuxuu ahaa wadanka Ruushka, haatan waa uu 17 jirsaday. Waxaa la rumaysan yihiin in ay aas aaseen laba nin oo udhashay wadanka ruushka oo lagu kala magacaabo Yuri Krasovsky iyo Sergey Karshkov.
1xbet wuxuu si wayn looga isticmaalaa wadamo badan oo calamka ah, Soomaaliduna waxay ka dhigteen meel ay ka raadsadaan il dhaqaale, balse ma oga khataraha ku gadaaman ee keeni kara dhaqaale burbur iyo haligaad nafeed.
Tirada sida bilaha ah u soo booqata ee isticmaasha websiteka iyo appka shirkadan waxaa lagu qiyaasaa in ay dhan yihiin 5.5 milyan oo qof. 1xbet waxaa loo ogyahay oo ugu diwaan gashan bog walba oo aadka baadho in uu yahay madal loo bineeyey in lagu sharatamo oo noockasta oo khamaarana lagu kala helo. Khamaar kastaana halistiisa ayuu leeyahay diin ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
1Xbet wuxuu leeyahay qaabab badan oo ciyaareed oo kala du duwan balse waxaan ka soo qaadan doonaa laba nooc oo kala ah ciyaarista noocyada gameska diyaarsan iyo qaybta saadaalinta ciyaaraha noocyadooda kala duwan.
Hadaba aan kala qaadno labadan nooc inaga oo ku horayna qaybta ciyaaraha diyaarsan.
Ciyaarista noocyada ciyaaraha aan saadaasha ahayn.
Waxaa qaybtan ugu caansan saddexdan ciyaarood
- Luck Weel
- Crash
- Ladhuuda
Ciyaaraha noocan ahi waa qaar loo nashqadeeyey hanaan loogu talo galay qofka ciyaaraaya in loo muujiyo in uu heli karo xadi badan oo lacag ah, kaliyana ay ka xigto in uu dhigto xadi lacag ah oo uu ku heli karo tira badan oo faa’iido ah.
hadaba sidey u shaqeeyaan?
waxaa lagu programiyey in marka qofku lacag soo dhigto, uu urriyo macluumaadka dadka isla wakhtigaas soo dalbanaaya ciyaartan, xadiga lacagta ay dhigteen. Kadib wuxuu isla markaas u go’aan ka gaadhayaa habka ugu fudud ee uu u khasaarin karo, lacagtoodan ula wareegi karo. Tusaale Game-ka Crash oo ah mid caanka dhex ah 1xbet waa diyaarad duulaysa oo la rabo in aad malaysato si aad faa’iido u hesho in ay duulimaad fiican gasho, markastoo duulimaadkeedu dheeraadana waxaad helaysaa faa’iido badan, balse cidna ma oga inta uu qaadan karo duulimaadka ay samaynayso inta uu dhan yahay, oo hadii ay qaraxdo ka hor intaadan lacagtaada kala bixin waad khasaartay.
ufiirso muuqaalkan, game-kan wuxuu uruurinayaa xogta dadka ciyaaraaha ciyaartan mudo ku siman 10 ilbidhiqsi si uu go’aan uga gaadho xadiga aminta diyaaradani duuli doonto, waxaa cajiibka ahi waa in diyaaradu iyadoon kicinba burbur ku imanaayo sidaasina lacagtooda ku waayayaan dadkii lacagta dhigtay.
Dhanka Kale ciyaarta laadhuuda ah waa mid la mida qaab ahaan ciyaartii hore oo kale balse waxay kaga duwan tahay waa in ay hayso xogta aad dooratay, sidaas darteed waxay awoodaa in ay kuu badasho natiijada oo halkaas waxaa ku duuqan khiyaamo cad.
Tusaale ahaan hadaad doorato natiijada soo baxaysa waxaan ka rajaynayaa in ay ka wayn tahay 7, game-ku wuu og yahay waxaad dooratay dhibna kuma aha markaa in uu tirada ka dhigo mid ka yar 7. halkaasna aad ku waydo lacagtii aad dhigatay.
Luck weel, waxay aad isugu saan saan eegyihiin qaab ahaan laadhuuda balse intay ku kala duwan yihiin waa in aadan waxba dooranayn balse nasiibkaaga aad ka dhex raadinayso tiro cayiman oo meel lagu qoray, taas oo aad helayso faa’iido ahaan makra loo badalo, nasiibka kuu soo baxay oo lagu dhuftay xadiga lacagtaad dhigatay.
Khiyaamada meesha ku jirtaa waxay tahay, game-ku wuxuu marwalba kuu doorayaa qiimaha ugu yar ama qiima aan waxba ku jirin oo eber ah si aad lacag u lumiso, waana habka loo programiyey.
Hadaba daawade adoo ka qiyaas qaadanaaya noocyadan ciyaaraha ee diyaarsan suurta gal ma tahay in aad guul ka gaadho ama khibrad aad ku ciyaarto.
Waxaa kaloo jirta qolo tuuga ah oo dhalinyarada kaga uruursada waxaan haynaa application aan samaynay oo kaa caawinaaya in aad ka guulaysato games-kan oo kuu sheegaaya halka ay diyaaradu ku qarxayso ama nasiibka ugu fiican ee kuu soo baxaaya.
Aan u nimaadno qaybta labaad ee saadaalinta ciyaaraha noocyadooda kala duwan.
Qaybtan waa mid ka madax banaan 1xbet oo ma go’aamin karaan maxsuulka ciyaarta, balse waxaa ku jira in khiyaamo badan oo ah in si saykooloji ahaan ah laguu burburiyo, iyadoo la isticmaalaayo hanaanka hunguri galinta iyo rajo ku abuurka.
In ciyaar la saadaaliyaa natiijada ay ku dhamaanayso waa mid aan qofna sheegi karin 100% waayo ciyaaruhu way isbadali karaan xaalad kasta imisa ayaad u soo taagnayd koox 3:0 leh oo inta laga daba yimid iyadii laga badiyey.
Dhibaatada uu leeyahay sadaalinta ciyaaruhu waa in qofku ka qaado walaf badan maadaamoo loo soo bandhigaayo xadi lacageed oo badan hadii kooxo badan uu saadaaliyo kuna guulaysto sadaashaasi isagoo lacag yar ku heli kara lacag badan.
Waxaa dhacday in hunguri galinta noocan ah dhalinyarada ku sababtay naaqus ku yimid imaankooda kadib markii la arkay in 8 kooxood oo ay saadaaliyeen in 7 kamida ku guulaysteen balse hal koox oo kali oo ay qaldeen, sidaasina ku waayeen faaiidayda ay rajada wayn ka qabeen. halkaas waxaa ka dhasha in qofku isku ciil kaabiyo maxaad sidaas u yeeshay ama kooxdan ugu darsatay liiska isagoo ka shalaynaaya qadarka dhacay.
Marka laga yimaado ciyaaraha waxaa kaloo jira dhac ay dhalin yaradu kala kulmaan qolyaha ka shaqaysta lacag dhigista iyo saarista lacagah laga shaqeeyo 1xbet.
Halka qaarna lacago kaga qaataan waxaan idiin haynaa shaxda saxda ah ee aad ku guulaysan karto ee kaliya iska bixi 10$ ama 5$
si kastaba ha ahaatee aduu ma ka mid tahay dadka isticmaala 1xbet.