Deegaano ku yaal soomalaiya oo wax laga badaley qaabka guurka.

Muddo todobaad gudihii ah maxaa ka hirgelay Gobolada Mudug iyo Gedo ?

Maamulka degmada luuq ee gobolka Gedo wuxuu soo saarey qoraal uu ku taageerayo qodobo ay hore usoo saaren Culimada deegaankaasi kaasi oo ahaa mid lagu jaangoynayo qiimaha Arooska Ku baxa. Sida Sooeyada alaabta guriga lacagta adeega xoolaha la qalaayo iyo qaar kale .

Sidoo kale waxay meesha ka saaren dhaqamada ay soomaalidu leedahay sida todoba baxa ….

Maxay tahay sababta keentay in isbedelkani dhaco ?

1: Baahida koobaad ee keentay ayaa ah wiilashii oo guursan waayey waxayna caqabad kala kulmeen alaabta guriga meherka xoolaha la qalo wakhtuga arooska amaba ducada iyo sooryada oo laga dhigey $400 iyo kharaashaad kale oo hoos socda kuwaasi oo aanu ka bixi karin wiilka dhalinyarada ahi sidam waxa sheegay macalin cabdi macalin maxamed oo ah gudoomiyaha maxkamada degmada luuq kana mid ahaa culimadii arrintan soo jeedisay.

Sido kale arrintan waxay ka dhacday konfurta gobolka mudug.

*Goobaha miiga ah guurku wuxuu ka gaadhey $15000 halka magaladana uu ka gaadhey in intaa ka badan ayuu yidhi caaqil dhiin sheekh cabdi oo ah afhayeenka dhaqanka ee koonfurta mudug wuxuuna inta ku darey in isku duubka kharashka guurka laga dhigo $1000 oo kali ah.

Sido kale waxay soo jeediyeen culimada iyo maamulka deegaanadani

1: in qofkii isku daya qiimaha ay goaamiyeen inuu bixiyo in kabadan inaan laga ogalaan doonin

2: qofka deegaanka yimaada ayaa lagu amray in sida looga dhaqmayo goobtan uu usna udhaqmo

3: Dadka deegaanka ayaa lagu amray unay qasab tahay inay hirgeliyaan goaamadani