Waa kee noolaha hadii uu biyo cabo dhimanaaya?

Kangaroo rat badanaa waxaa laga helaa dhulka saxarah ah ee waqooyiga ameerika, gaar ahaan dhanka koonfureed ee maraykanka iyo maksiko. waa xayawaan si wayn u qabatimay ku noolaanshaha saxaraha.Waxaa kaloo looyaqaanaa jiirka saxaraha.

Qaab ahaan wuxuu shabahaa kangarooda Ustreeliya, balse wuu ka yar yahay oo cabir ahaan jiirka ayuu u eeg yahay waana sababta labada magac laysugu raaciyey. Cimriga noolahani wuxuu gaadhaa 2 sano.

Noolahan wuxuu badanaa soo baxaa habeenkii oo lama arko maalintii, Dabeecaddani waxay ka caawisaa inay ka fogaadaan kulaylka daran ee maalinta oo ay ilaashadaan xadiga yar ee biyaha ah ee ay ka helaan cuntada ay qadhaabtaan oo ah midhaha biyuhu ku kaydsan yihiin iyo cawska. Taasina waxay u sahashaa in ay ka maarmaan in ay cabaan biyo ama u baahdaanba.

Marka laga soo tago helitaanka biyaha ee noolahan, waxayleeyihiin hanaan laqabsasho jidheedh oo Alle u abuuray kaas oo yareeya luminta biyaha. Waxay leeyihiin kelyo ka duwan hanaanka noolaha kale oo dhan u shaqeeyo oo waxay soo saartaan xadiyar oo kaadi ah, inta hadhayna waxay ka samaysaa kayd biyood oo ay dib u isticmaasho, Sidoo Waxay awood u leedahay in markasta oo ay neefsato ina ay dib u nuugto hawadii ay neefsatay si ay biyo uga dhaliso xadiga qoyaanka ee ku jira hawadii ay iska soo saartay.

Taas macnaheedu waa xayawaanku wuu noolaan karaa isagoon cabbin biyo, sababtoo ah jidhkiisu wuxuu leeyahay nidaam gaar ah oo uu biyaha kaga dhaliyo midhaha uu quuto. Markaa, uma baahana in ay banaanka biyo u doonato.

Hadaba maxay u dhimataa haday biyo cabo?

Kalida noolahani uma diyaarsana in ay qaabisho xadi badan oo biyo ah, waana sababta ugu badan ee keenta in cabitaanka biyaha kala kulanto dhibaato gaadhsiinkarta heer dhimasho.

Uma diyaarsana jidh ahaan in biyaha toos ka ah ay la falgasho, maadaamoo kalyaheedu biyaha ka sameeyaan isla kaadideeda, sidaas darteed hanaanka biyo samayntu ee dibada ka yimaadaa wuxuu dhaxal siiyaa dhimasho.