WARBIXIN:-Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedeysane Khaalid Axmed Cumar Ina Aasiya Cabdi 20jir ah , kaas oo ku eedaysan inuu Abbaaro 3:00 Galabnimo shalay ku dilay Xaafadda Jameecada ee degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khaalid Muuse Faarax Ina Hodan Diiriye 19jir ah , waxaanu ku dilay Mindi(Tooray) .
Ciidanka Booliska ayaa sameeyay Hawlgal degdeg kaasi oo ay markiiba gacanta kusoo dhigeen eedaysanaha , waxaanu ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska . dhanka kale , Eedaysanaha ayaa qaba dhaawac uu soo gaadhsiiyay marxuumka geeriyooday.
Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada , waxii ay garan wayaanna degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska..