Harakooga iyo faa’iidooyinka caafimaad ee uu leeyahay

Harakooga (Haricot) waxaa sidoo kale loo yaqaan, white bean (digirta cad) amaba Navy bean. Somalida qaarkoodna waxay u yaqaanaan (Dahabiga). Magacee ayaa looga yaqaanaa deegaankaaga?

Harikooga waxaa lagu tiriyaa cunto faa’idada badan xambaarsan isla markaana la woodi karo. Harikooga waxaa laga helaa 20 walxood oo jidhkeena faa’ido badan ugu jiro waxayna kala yihiin: fiitamiin B, fiitamiin B1 iyo fiitamiin B6, folate, iron, zinc, magnesium, Phosphorus,Potassium and calcium.

Harakoogu wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo layaableh, wuxuu qani ku yahay macdano iyo fitamiino jidhkeenu u baahan yahay;

  1. Dheefshiidka: Harakoogu wxuu ka mid tahay baalayda, waxaana ku jiro waxyaabo badan oo uroon caafimaadka dheefshiidka, harikooga way sahlan tahay in calooshu dheefshiido, waxay ka hortagtaa calool istaaga, waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxay kaloo yaraysaa halista cudurrada wadnaha iyo kacsanaanta sokorta.
  2. Sun-saarista (Antioxidant): harikooga waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu badan ee laga helo walxaha sunta ka saaro jirka, diraasad lagu sameeyay 100 cunno oo laga helo maadadaan sunsaaraha, harikooga ayaa ugu horeeyey.
  3. Dhisidda lafaha iyo murqaha: Harikoogu wuxuu qani ku yahay xadi badan oo barootiin ah, kaas oo inaga caawiya koritaanka murqaha, dib u cusboonaysiinooda iyo guud ahaan wanaajinta shaqada jidhka. sababtuna waa borotiinka ka buuxo, hal koob oo harokooga ah waxaa ka helaysaa 15g oo borotiin ah.
  4. Dhiig-yarida: Harakooga waxaa ka buuxo xadi badan oo (Iron ah) birta, qofka joogteeyane isma arkaan dhiigyarida, waana sababta loogula dardaarmo hooyooyinka uurka leh iyo caruurta oo u baahan bir badan inay ku dadaalaan cunisteeda.
  5. Xasuusta: Harikoogu waxyaabaha ka buuxo waxaa ka mid ah fitamiin B1 oo loo yaqaano “Thiamine”, fitamiinkaan wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka maskaxda, wuxuu kordhiyaa foojignaanta, xasuusta, wuxuuna ka hortagaa hurdo la’aanta iyo diiqada. waxaa kaloo la arkay in harikoogu yareeyo halista cudurka xasuusta lumiyo ee “Alzheimer’s disease”.
  6. Adkaynta lafaha iyo ilkaha: Harikoogu waxay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin, waxay kaloo yaraysaa baruurta aan jidhka faa’idada u lahayn, sidaasne waxay ku yaraysaa cudurrada wadnaha ku dhaco.

Harikoogu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka faa’iidooyinka badan laga helo balse aysan ku baraarugsanayn badi dadkeenu, halka qaarkeen kale dhibsadaan cunistiisa balse ay ka warqabaan faa’iidooyinka uu caafimaadkena u leeyahay.