Wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya, ayaa loo magacaabay Ambassador Taye Atskeselassie.
Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa dublamaasiga u magacaabay Wasiirka arrimaha Dibedda, waxaana ansixiyey Barlamaanka Itoobiya.
Ambassador Taye Atskeselassie, ayaa xilal kala duwan soo qabtay, isaga oo imika ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay u jooga Itoobiya, waxa kale oo uu soo noqday Wasiiru dawlaha Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalkaas.
Dhinaca kale, Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa magacaabay Raysal wasaare kuxigeenkiisa, isaga oo u magacaabay Mr. Temesgen Tiruneh.