Ciidamada Itoobiya oo xaalad amni kusoo rogey qaybo kamid ah Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo aan ka mid ahayn howlgalka Midowga Afrika ayaa bandow habeenkii ah ka dhaqan galiyay degmada Doolow ee xadka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay gobolka Gedo, iyagoo isku fidiyay dhul ballaadhan oo ay ka mid tahay waddada isku xidha Doolow iyo Beled-Xaawo, halkaasoo lagu dilay 6 qof oo Oromo ah toddobaadkan

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen guri ku yaala magaalada Beled-Xaawo, halkaasi oo ay ku dileen lix ruux oo carruur ay ku jiraan, kuwaasi oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee degmadaasi.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah, ama ATMIS, iyo ciidamo kale oo ka jooga Soomaaliya kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya horey u dalbatay si ay ula dagaalamaan kooxda Alshabaab.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkooda uu aaminsan yahay in Al-shabaab ay beegsadeen dadka u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo magaalada u joogay arrimo ganacsi iyo shaqooyin guri.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi