Itoobiya oo lagu wareejiyey Diyaarad hore looga qaadey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in diyaarad ay lahayd Itoobiya taas oo lagu sameeyay gudaha Itoobiya sanadkii 1935 tii.

Diyaaradaan ayaa waxaa ay talyaanigu qaateen waqtigii uu xukumayay nidaamkii faashiistaha ahaa, xilligaas oo ay jirtay wixii loo yaqaanay Abyssinia.

Diyaaradaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay madxaf ku yaalla Talyaaniga.

Waxaa ugu dambayn diyaaradda lagu wareejiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed isaga oo ku sugnaa xaflad ka dhacaysay Roma.

Diyaaradaan ayaa waxaa loogu magacdaray gabar uu dhalay boqorkii hore ee dalkaas Haile Selassie.