Raysal wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo la xukumay .

Maxkamad ku taal Pakistan ayaa 10 sano oo Xabsi ah ku xukuntay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda Shaah Maxamuud Qureshi, waxaana lagu helay dambiga kiis la xidhiidha sirta Qaranka Pakistan oo la faafiyay.

Maxkamad gaarka ah oo laga sameeyay xabsiga Rawalpindi ayaa ku dhawaaqday xukunka waxa loogu yeedhay kiiska shabakadda (cypher Case) kaas oo ku saabsan xidhiidho dublamaasiyadeed oo Khan uu ku andacoonayo inuu ku caddaynayay eedeymihiisii ​​ahaa in sidii xilka looga qaaday 2022 ay aheyd shirqool.