Mareykanka oo Ka hadlay Askarti lagaga diley Xadka Urdun iyo Suuriya.

Dawlada mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtey askarti maalinti shalay ahayd lagaga diley xadka udhaxeeya dalalka urdun iyo suuriya.

Saddex askari oo mareykan ah ayaa ku dhintay duqeymo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uu mareykanku ku tilmaamey inay ahaayen cidda falkan geysatay kooxaha mintidiinta ah ee ay Iran Taageerto.

Dhankeeda Xukuumada Tehran ee Iran ayaa iska fogeysay eedan uu usoo jeediyey mareykanku waxaanay sheegtay in aanay waxba kala socon Weerarkan lagu laayey saddexda Askari ee Ameerikanka ah.

Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa sheegay inay qaadi doona wax uu kutilmaamey Aargudasho  iyo inay usoo aaran ciidankooda La laayey isagoo intaa ku darey inay qaadi doonaan talaabooyi  kala duwan.

Todobaadkan Gudihiisa Gudaha wadanka Iran waxa dil toogasho ah lagu fuliyey Dad ay ku tilmaamey inay ahaayen basaasiin ushaqeynayey israaiil