WASIIRKA WASAARADDA DHALINYARADDA IYO CIYAARAHA, mudane Abdirisaaq Muse ayaa maanta magaalada hargaysa ku DAAHFURAY MASHRUUC cusub oo kor loogu qaadayo xuquuqal insaanka, xoriyo qawlka, hal-abuurka iyo ciyaaraha hablaha.
Mashruucan oo socon doona Saddex Sano iyo Afar Bilood waxa laga fulin doona gobolka Maroodijeex. Waxaana maalgaliyay Midowga Yurub, iyadoo fulintiisa ay iska kaashanayaan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland, haayada caalamiga ah ee Plan International iyo haayadaha maxaliga ee NAFIS Network iyo Ubax Fitness Center.
Daahfurka mashruucan waxa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo uu ugu horeeyo Wasiirka W. Dh. C, madaxda haayadaha ku bahoobay fulintiisa iyo dhalinyaro aad u tiro badan.
Ugu horayn, wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Mudane, Axmed oo ka hadlay daahfurka mashruucaas ayaa bogaadiyay Midowga Yurub ee maalgaliyay mashruuc iyo haayadaha ku midoobay fulinta mashruuca ee Plan International, Nafis Network iyo Ubax Fitness Center.
Mashruucan oo ku soo beegmay wakhti munaasib ah oo gacan lagu hayo horumarinta hal-abuurka iyo ciyaaraha hablaha, waxa uu wasiirku balan qaaday in ay doorkood qaadanayaan, si dhaw ula shaqayn doonaan haayadaha fulinaya mashruucan.
Sidoo kale waxa madasha ka hadlay masuuliyiinta kala duwan ee ka kala socday haayada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.
Sacdiya Caalin, oo ah madaxa haayada caalamiga ah ee Plan International oo madasha ka hadashay ayaa isdul taagnay sida uu ku yimid mashruucan oo salka ku hayay wadatashi joogto ah, muhiimada uu u leeyahay hablaha iyo doorka ay ku leeyihiin dhamaan daneeyayaasha ay wasaaradu hormoodka ugu tahay.
Ugu dambayntii , Sacdiya aya u mahad celisay cid kasta oo ka shaqaysay, gacana ku lahayd bilawga iyo daahfurka mashruucan, sida wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha, hayadaha maxaliga ah, daneeyayashii kala duwana ee la waraystay, Plan International Sweden iyo Midowga Yurub oo maalgalinaya intaba.