Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa magaalada Qaahira kula kulmayXoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray go’aankii ururka Jaamacadda Carabtu ka soo saaray is afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ku dhexmaray Addis Ababa kowdii Bishan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ururka uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya.
Labada masuul ayaa isla jeexjeexay xiisadda ka taagan badda cas iyo marin biyoodka baabul mandab iyo gaar ahaan xaaladda geeska afrika.
Labada dhinaca ayaa sidoo kale isla falanqeeyay cawaaqib xumidda ay sheegeen in ay ka dhalan karto talaabadda Itoobiya ku doonayso baddaha Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeene.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa lagu wadaa in maanta qasriga madaxtooyada ee Qaahira uu kula kulmo Madaxweynaha Masar isagoo la wadaagi doono isbadalladdii ugu dambeeyay ee gobolka iyo sida Masaaridu gacan u siin karaan Soomaaliya marka laga hadlayo khilaafka kala dhexeeya dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.
Itoobiya iyo Masar ayaa iyana isku haya biyaha webiga Niil oo dhawaan ay Masar isaga baxday wadahadalladii ay arintaas kala lahayd Itoobiya.