Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar waxa uu ku tagey dalka masar kadib martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi .
Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.
safarkan uu madaxweyne xasan sheekh uu ku tagey magaalada qaahira ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galey dawladaha soomaaliya iyo itoobiya kaasi oo ku saabsan heshiiski ay dhawaan wada galeen dawladaha somaliland iyo itoobiya .
waxa xusid mudan in hore uu khilaaf uga dhex taagna dalalka masar iyo itoobiya oo ka dhsey biyo xidheenka wabiga niilka.