Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo iskaga baxey Koobka Maamulada.
Kooxda Ku Ciyaareysay magaca maamul goboleedka koonfur galbeed ayaa iskaga baxday inay sii ciyaarto koobka maamul goboleedyada soomaaliya oo maalmihii udambeeyey ka socday Magaalada muqdisho.
Ciyaartoyda maamulkan ayaa dhawaan dhaawacyo loogu geystay magaalada muqfisho kadib markii uu soo dhamaadey kulankii ay la lahaayeen dhigooda Galmudug .
Inkasta oo Galmudug guul gaadhey haddana lama oga sababta koonfur galbeed layskugu darey Guuldarrada iyo Dhaawacyada Halista ah.