Alle ha u naxariiste Xaaji Axmed daahir Cumar (Baxsane) ayaa
ku geeriyooday Guriga uu ku leeyahay Xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa.
Xaaji Baxsane ayaa kaalin muhiim ah oo muuqata ku lahaa ganacsiga dalalka Djibouti iyo Somaliland oo muddo ka badan kontan sanadood shaqadaasi ku dhex jiray, waxaana lagu xasuusan doona kaalinta uu ku lahaa samafalka sida dhismaha Masaajidada, Madarasadaha, Xabaalaha iyo caawinaada dan yarta.
Ilaahay ha u naxariisto samir iyo Iimaan dhamaanteenba ha inaga siiyo.