Tuulada Landes Alzheimer waxa ay ku taal koonfur-galbeed dalka Faransiiska, waa tuulo ka duwan tuulooyinka kale ee adduunka, sababtoo ah dhammaan dadka deggan waxay la ildaran yihiin xanuunka asaasaqa, ama xasuus la’aanta.
Waxaa ku yaal tuulada dukaan weyn oo dadka deggan siinaya alaab fudud, sida rootiga iyo adeegyo kale ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin, marka qofna uma baahna inuu xasuusto boorsada lacagta uu ku wato.
Mid ka mid ah dadka ku nool tuulada oo lagu magacaabo Francis oo iibiya wargeysyada maalinlaha ah, balse horey u ahaan jiray beeralley ayaan ku casuunnay mid ka mid ah maqaayadaha ah ku yaal dhex bartamaha magaalada si aan wax uga waydiinno nolosha tuulada.
Waxaan waydiinnay Francis sida uu dareemay markii dhakhtarku u sheegay inuu qabo cudurka Alzheimers ama asaasaqa.