Ugu yaraan 116 qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib dhulgariir ku dhuftay waqooyi-galbeed ee Shiinaha, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay iyadoo kooxaha samatabbixintu ay ku dadaalayeen sidii ay u gaarsiin lahaayeen dadka ka badbaaday gurmadyo kala duwan .
Dhulgariirka ayaa wakhti fiid ah waxa uu ka dhacay degmada Jishishan ee gobolka Gansu, waxaana dhul gariirkaasi uu burburiyay guryo iyo waddooyin. Samatabbixiyeyaasha ayaa u isku dayaayey si ay u raadiyaan dad badbaaday oo ku hoos jira burburka soo gaadhey guryaha hoostooda , halka dadka deegaanka ay u yaaceen bannaanka, iyaga oo isku duuban .
dhulgariirku wuxuu dilay 105 qof, wuxuuna burburiyay in ka badan 4,700 oo guri oo ku yaal Gansu, mas’uuliyiinta gobolka ayaa ku sheegay shir jaraa’id.
Guud ahaan 397 qof oo ku nool Gansu ayaa ilaa hadda uu dhaawacay, oo ay ku jiraan 16 dhaawacoodu culus yahay iyo 76 kale oo halis ah, sida ay saraakiisha wadankaasi sheegeen.
Kow iyo toban qof ayaa ku dhintay gobolka ay deriska yihiin ee Qinghai, sida uu sheegay CCTV.
Dhulgariirka ayaa dhacay wax yar ka hor wakhtiga saqda dhexe iyadoo qaar badan ay seexan lahaayeen guryahooda. dhul Gariirku waxa uu socday wakhti aan badnayn axaana laga dareemay magaalo madaxda gobolka Lanzhou oo 102 kilomitir u jirta, sida uu sheegay CCTV.
Qaar ka mid ah guryaha tuulooyinka ee Gansu iyo Qinghai ayaa dumay, iyadoo dab-damiska ay ka soo saareen dadkii ka badbaaday burburka mugdiga ku jiray, muuqaalka CCTV ayaa muujiyay. waxaana goobta gaadhey n ka badan 1,600 oo dab damis .
Dhulgariirka ayaa sidoo kale jaray biyihii iyo korontadii iyo sidoo kale ishaarooyinka guurguura ee meelaha qaar, taasoo adkeyneysa gurmadka.
Maamulka ayaa teendho ka sameystay goob dib-u-dejin ah oo ku meel gaar ah oo ku taal fagaaraha Dahejia, oo ah magaalo ay dhibaato badan ka dhacday oo ka tirsan gobolka Jishishan, sida uu sheegay CCTV.
Dhul badan oo Shiinaha ah, oo ay ku jiraan waqooyi-galbeed, ayaa waxaa qabsaday qabow lama filaan ah maalmihii la soo dhaafay, iyadoo heerkulku uu hoos ugu dhacay meel hoose oo taariikhi ah oo ku yaal qaar ka mid ah waqooyiga.
Shiinaha Xi Jinping ayaa Talaadadii ku booriyay mas’uuliyiinta inay “ku dadaalaan” si ay u raadiyaan kuwa badbaaday una daaweeyaan kuwa dhaawacmay, isagoo xusay in masiibada ay ka dhacday meel sare oo cimilo qabow leh, sida ay sheegtay Xinhua.
Shiinuhu kuma cusba dhulgariirrada xoogga leh, gaar ahaan qaybaha koonfur-galbeed ee dalka oo ay ku kulmaan saxanka Eurasian tectonic saxan Hindi ah