Magaalada Burco oo loo doorta Maayir iyo ku-xigeen cusub.

Dhawaan ayey ahayd markii ay wasaarada arrimaha gudaha somaliland fasaxday ama ogolaatay kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee ay yeelanayaan goleyaasha deegaanka ee qaar kamid ah goleyaasha deegaanka ee somaliland.

maanta oo sabti ah ayaa waxa kalfadhi aan caadi ahayn yeeshay goilaha deegaanka ee golaha deegaanka ee degmada burco ayaa waxay ku doorteen maayir iyo ku-xigeen cusub kuwaasi oo hogaamin doona golaha deegaanka ee burco.

Maayarka cusub ee Burco ayaa loo doortey Maxamed Xirsi Axmed (Maxamed Case) , halka maayar ku xigeena loo doortay Suldaan Nuux Jaamac .