Laba haween oo reer Somaliland ah oo kamid noqday dadka ugu saameynta badan muslimiinta caalamka.

Wargeyska the Muslim 500 oo laga leeyahay dalka Jordan, ayaa shaaciyay liiska shanta boqol ee qof ee Muslimka ugu saameynta badan sanadka 2024-ka.

Liiskan oo ah mid sanadle ah, ayuu wargeysku soo saaraa sanad kasta, waxaana lagu xushaa dadka ugu saameynta badan Muslimka.

Professor Syed Muhammad Naquib Al-Attas ayaa kaalinta koowaad ka galay liiska anadka 2024-ka.

Dr Waxay ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, 2003-2006. Waxa kale oo ay soo noqotay Wasiirka Daryeelka Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Somaliland
adna aden ismaacill waa dakhtar iyo aasaasaha cusbitaalka adna iyo sidoo kale jaamacad magaceeda wadata waxaanay aad ula dagaalantaa gudniinka fircooniga ah iyadoo soo saartay dhakhaatiir badan waxayna in badan ay hor ka sameysay iyada iyo cusbitaalkeedu daryeelka haweenka wakhtiga xaamilada ay yihiin iyadoo yareysay haweenki udhiman jirey taya xumada caafimaad .
cusbitaalka hadda waxa ka shaqeeya in ka badan 200 oo shaqaale ah iyo 1,500 arday oo wax ka barta jaamacadeeda ay mahadiyeen ardey badan oo kasoo baxey iyagoo wax badan oo aqoon ah ka wata caafimaadka
Sannadkan dhamaanaya ee 2023, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Templeton Prize ee sharafta leh,Waxa kale oo ay shahaado-sharaf doctoral ah ka heshay Clark, . Waxa kale oo ay heshay shahaado sharafeed ay ka qaadatay Jaamacadda Southbank ee London.
sidoo kale dr aden aaden ismaaaciil waxay marar dhawr ah intii ay xukumadan somaliland jirtey kasoo dhex muuqatay wada hadaladii dhexxmarey somaliland iyo soomaaliya iyadoo kamid ahayd xubnihii somailand ku matalaayey wada hadaladaasi .

sidoo kale Foosiya yuusuf xaaji aaden Saamaynta Fowsiya oo ah haweenay kasoo jeeda somaliland waxay ka mid noqotay 500 boqol ee qof ee uu soo saarey wargeysaknai foosiya waa haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya (2012-2014). Waxay kaalin mug leh ku lahayd dib u soo noolaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo dib u soo celinaysa hantidii qaranka ee la xayiray, iyo sidoo kale inay heshiis iskaashi laba geesood ah la saxiixatay Sheikh Abdullah bin Zayed Al-Nahyan. Heshiis kaas la mid ah ayaa sidoo kale lala saxeexday Shiinaha. Fawzia waxay furtay kanaal tv ah oo loogu magac daray RAAD TV kaas oo ujeedadiisu ahayd in uu sawir wanaagsan ka bixiyo Soomaaliya aan xasilloonayn iyo dagaalladu halakeeyeen. Waxay isku soo sharaxday doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya 2022, laakiin waxaa ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud.