Boolisk aKenya oo xabsiga utaxaabey haweenay ilmo yar Badda ku tuurtay.

Booliska waddanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay haweeneey lagu eedeeyay inay bad waynta ku tuurtay ilmo yar oo sideed bilood jir ah axadii.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in haweeneyedu ay ilmaha ka soo tuurtay doon ay dadku u raacaan gudaha badda, xilli ay ku soo xiraneysay xeebta Mombasa.

Muuqaalka quusayala badbaadinaya ilmaha yar ayaa ku baahay baraha bulshada, taas oo keentay in dad badan ay ku xanaaqaan haweeneyda.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa horay u sheegtay in ilmuhu badqabo oo ay ku hayaan xarun xanaano.