39 maxbuus oo falastiiniyiin ah ayay Israa’iil sii daysay, waxaana dabaal dagyo laga arkayaa Daanta Galbeed ee la haysto markii ay dadku guryahooda ku soo dhaweynayeen dadkaas la sii daayay.
24-ka haween ah iyo 15 wiilal aan qaan gaarin oo dhalinyaro ah ayaa laga sii daayay guud ahaan barta kontorool ee Beitunia, oo u dhaw Ramallah.
Waxaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan, min dhagax tuur iyo isku day dil. Qaar ayaa lagu helay dambiyo halka qaar kalena ay sugayeen maxkamad.
Dadweyne aad u fara badan oo lulaya calamada ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay, waxaana dusha sare laga arkayaa rashka.
Mid ka mid ah maxbuusta Falastiiniiyiinta ah ah oo la sii daayay oo lagu magaacaabo Marah Bakeer. Waxaa la xiray sanadkii 2015-kii, iyadoo 16 sano jir ah, waxaana lagu xukumay sideed sano iyo bar oo xarig ah, kadib markii ay mindi ku weerartay askari ka tirsan booliska xadka ee Israa’iil .