kal fadhigii maanta ay lahaayen barlamanka maamul gooleedka puntland oo loo balansananaa Tala-bixinta Gudigii loo saaray xeerka Doorashooyinka puntland waxa hadheeyey fadhigaas buuq iyo sawaxan xildhibaanada dhexdooda ah
arrinta khilaafka xoogiisa badan dhalisay ayaa ahayd kadib markii guddida loo xilsaarey doorashooyinku ay soo jeediyeen in xeerka la hakiyo lagana sii shaqeeyo inta laga xallinayo xaaladaha nabadgelyo ee wakhtigani ka taagan gudaha maamulkaasi oo ka dhashey khilaafka doorashooyinka oo ay isku maandhaafeen mucaaradka iyo dawlad goboleedka puntland.
kalfadhigan gudihiisa ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu xildhibaanada golahaasi ku wargeliyey in dib layskugu soo noqon doono maalinta axadda ahee todobaadka soo socda,
wixii intaasi kadambeeyey guddidi loo xil saarey xeerkani ayaa xubnaha golahaasi waxay la wadaageen talo soo jeedin
si kastaba maamulka puntland waxa uu khilaaf xooogani udhaxeeya xubnaha mucaaradka ah oo ku dodaya in doorashadu wakhtigeedi iyo sidii hore loogu geli jirey ay udhacdio halka xukuumada iyo madaxweyne siciid deni ay ku doodayaan in puntland looga dareri doono doorasho qof iyo cod ah