Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maxamuud Raage Ibraahim ayaa ka hadlay shakhsiyaddii Alle ha u naxariistee Eng Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanu yidhi Sagootintii iyo aaskii Qaran ee umada Somaliland U sameysay Eng Maxamed Xaashi Cilmi.
Face book, iyo maqaal laguma soo koobi karo shaqsiyadii , dadnimadii, wanaagii, muwaadinimadii, Diin jacaylkii, Taageeradii, iyo Dhaqan Wanaagii Marxuun Eng Maxamed Xaashi Cilmi. Kadib Markii Maydka Lagu Tukuday ayay dadku faalo ku Saabsan Eng Maxamed Bilaabeen. Kumuu Ahaa Maxamed Xaashi Cilmi? Waa suaasha aad looga sheekaystay manta. Runtii Waxa u dhacay Marqaati lagu kala baydhi waayey. Waxa la wariyey In Waqtigii Rasuulkeena Maxamed Scw Meyd lasoo hormariyey Markaasay dadku yidhaahdeen ninkani waxa uu ahaa nin xun ama muxuu xuma Rasuulku waxa uu yidhi Wajabad .
Waxa hadana lasoo mariyey meyd kale Markaasay hadana dadku yidhaahdeen waxa uu ahaa nin wanaagsan oo khayr badan, hadana Rasuulkeenii suubana SCW waxa uu yidhi Markale Wajabad.
Asxaabtii waxa ay yidhaahdeen Rasuulkii Allow maxaa waajib noqday waxaad mar walba leedahay Wajabad. Waxa uu yidhi Dadku miyaanay ahayn Marqaatiyada Aduunka illaahay xagiisa, ama Dadku waa marqaatiyada aduunka xaga illaahay awkama qaala. Maanta waxa Eng Maxamed Xaashi u dhacay Marqaati aan nina ninka kale la dhaafin. Anigu eray bixin uma hayo Shaqsiyadii Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo aa mudo 25 sano aan la ahaa Sheeko Wadaag .
Eng Maxamed oo maanta u hoyday gurigiisii dhabta ahaa , magaciisu ma dhiman waxa uu leeyahay taariikh Togan oo Runtii lagu dari karo daruusta aynu siino ardaydeena.
Maqaalkan kooban ee aan Eng Maxamed kusoo qaatay maaha mid u qalma taariikhdiisa ee naftayda qalbiga ka ooyaysa ee seexan weyday ayaa maaweelinaya waxa keliya oo aan idin xasuusinaya 2 shiekh oo culamadda Somaliland ka mid ah maxay Eng Maxamed Xaashi ku xusseen .
Eng Maxamed waxa uu ka mid ahaa ardaydii tafsiirka quraanka ka raacan jirtay casharka Sh Maxamed Cumar Dirir.
Waxa la ii sheegay waqti la qatimay quraanka in uu shiikhu eng Maxamed Ku xusay in aanu Casharka weligii ka maqnaan ama inyar maqnaashihiisu ahaa . Arinka waxa aan kasoo xigtay arday ka mid ah ardadii waqtigaa dhiganeysay.
Waxa aan Shiekh Maxamed Adan carabkiisa ka qaatay Kelmad uu Eng Maxamed Yidhi oo ahayd
DADKU CAWEYSKA WAA JECEL YAHAY LAAKIIN WAX LAGU CAWEEYO QURAANKA DHEGAYSADKIISA AYAA U WANAAGSAN.
Iyada oo ay runtii maanta Hargeysa ay joogaan Rag badan oo Maxamed yaqaanay nus qarni anigu waxa aan saaxiib dhow la ahaa Rubuc Qarni. Waxa aan waqtibadan.geliyey in aan dhegaysto marka uu Dawladnimadda ka hadlayo.
La fadhiisto maalintii in ka badan 1 saac hadaan haleelo . Aniga oo hore u sheegay in shaqsiyadii Eng Maxamed aanan u heli karin magac bixin ayaan waxa aan ku sifayn karaa
ADOON DIiNTIISA, DADKIISA, DALKIISA U AHAA DAACAD . HADAAN AFKA QALAAD ERAY BIXIN UGA DOONO WAXA UU AHAA HONESTY PERSON, WHO HAS INTEGRITY.
Marqaatigii u weynaa waxa Maanta ENG Maxamed u furay Saaxiibkii Dr Cabdisalaan Yaasiin oo god kii u dhacay isaga oo indhihiisa aad moodo xinjir dhiig ah.
Runtii intayadii halka taagnayd waxa is bedeshay shacuurtayadii AHAY AHAY AHAY ADUUN QIIMO YARA.
WAXA AAN KA ODHAN DOONA KELMADO VIDEO AH TAARIIKHDA ENG MAXAMED XAASHI CILMI.FADLAN U DUCEE ENG MAXAMED HADAAN MAQAALKAN AKHRIDO IN UU RABBI KU ABAAL MARIYO JANADIISA.