Hay’ada maareynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku barakacay daadadka iyo fataahadaha ay roobabka da’ya sababeen.
Hay’ada ayaa sheegtay in dhimashada ay gaartay 50 ruux halkii ay markii hore ka ahayd 31 qof iyadoo sidoo kalana tilmaantay in dadka fatahaada ku barakacay iyo khasaaraha guudba uu isa soo tarayo.