Koomishanka Doorashooyinka Somaliland oo la kulmay safiirka Taiwan ee Somaliland .

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa xaruntooda ku qaabiley Safiirka Dalka Taiwan ee Somaliland Ambassador Allen Chenhwa Lou. KDQ waxa ay Safiirka warbixin ka siiyeen hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta doorshaooyinka soo socda ee Somaliland.

KDQ ayaa Safiirka uga mahadnaqay sidii ay uga taageereen hirgalintii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaanay ka codsadeen in la sii xoojiyo xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinacyada dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.