Hogaamiyaha ugu sarreeya ururka Xamaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka isreal.

Hogaamiyaha ugu sarreeya Xamaas ayaa beeniyay in kooxdiisu ay dishay dad rayid ah oo reer Israa’iil ah balse ay keliya bartilmaameedsadeen ciidamada.

Moussa Abu Marzouk, aya BBC-da u sheegay in ‘carruurta, haweenka, iyo rayidka ay ka baxsanyihiin weerarrada ay geeysaneyso Xamaas.

Israel waxay sheegtay in in kabadan 1,400 oo qof ay Xamaas ku dileen weerarkii 7-dii Oktoobar, kuwaas oo badankood ahaa dad rayid ah.

Mr Marzouk, waa hogaamiyiha ugu sarreeya ee ururka Xamaas oo BBC-da la hadlay tan iyo weerarkii bishii Oktoobar.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay ka yeelayaan dadkii ay ka qafaasheen Israel, ayaa waxaa uu sheegay in dadkaas aan la siidayn doonin inta ay Israel ay duqeymo ka geysaneyso Qasa.

“Waan siidayn doonnaa dadkaas, balse waa in dagaalku joogsado,” ayuu yiri.