Walaac weyn, ayaa laga muujinayaa inuu dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eritrea, iyada oo adduunka ka digayo in xaaladda labada dhinac faraha ka baxdo.
Xudunta khilaafkan laga cabsi qabo dagaal isku beddelo, ayaa salka ku haya in weli ciidamada Eritrea ay diidan yihiin in ay ka baxaan qayb ka mid ah dhulka Itoobiya oo ay qabsadeen wakhtigii Dagaalkii sokeeye ee Itoobiya iyo Tigrayga.
Iyada oo muddo sannad ahi ka soo wareegay markii heshiis ka dhacay South Afrika lagu soo afjaray dagaalkii Dawladda Federalka ee Itoobiya iyo Tigraga, ayaa fulinta heshiiskaas la sheegayaa inuu sababi karo dagaalka Itoobiya iyo Eritrea, madaama oo qoddobadii lagu heshiiyey ay ka mid ahayd in Ciidanka Eritrea ka baxo dhulka ku yaala dhinac guddaha Itoobiya ee soohdinta labada dal wadaagaan, iyada oo cadaadsiyo kala duwan lagu saarayo Raysal Wasaare Abiy Ahmed inuu fuliyo heshiiskaas, waxaanay dawladda Eritrea ay iska dhego tirtay dalabyada Itoobiya eek a bixitaanka dhulkaas, waana xudunta keentay in walaac laga muujiyo in iska horimaad hubaysani uu dhex maro labada dhinac.
Xoghayaha Arrimah Dibedda ee Mareykanka Atooniya Blinken, ayaa sheegay in looga baahan yahay Eritrea in ay ka baxdo Dhulka Itoobiya “Itoobiya iyo Eritrea waa inay ka fogaadaan daandaansiga iyo iska horimaad hubaysan oo dhex mara, waana in ay ixtiraamaan madax-banaanida iyo wada jirka dhuleed ee dalalkooda” Ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanku.
Falanqeeyayaasha dhinaca Siyaasadda iyo Istiraatiyada ayaa leh haddii dagaalkan qarxo wuxuu keeni karaa in Itoobiya ay fursad u aragto in ay ku heli karo mari ay ka gasho Badda Cas, oo ay badhtilmaameedsan karo Assab.