Roobab Xoogan oo ka da’ay Dalka Talyaaniga oo khasaare xoogan gaystay

Qiyaastii 190 qof ayaa lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda, oo ay ku jiraan 150 ku yaal Campi Bisenzio, halkaas oo guryihii khatar ay wajahayaan iyadoo oo baabuurtiina kala badh biyaha dhex galeen

roobab xoogan oo ka da’ay dalka talyaaniga ayaa geystay khasaaraha lix qof oo dhimasho ah iyo fatyahaado badan

Qiyaastii 190 qof ayaa lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda, oo ay ku jiraan 150 ku yaal Campi Bisenzio, halkaas oo guryihii khatar ay wajahayaan iyadoo oo baabuurtiina kala badh biyaha dhex galeen

Dadka dhintay waxaa ku jira laba qof oo waayeel ah oo ka yimid magaalada Prato ee waqooyiga Florence, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee ANSA.
duufaan xoogan oo sababtay roobabkan ka da’ay dalka talyaaniyga ayaa saameysay wadamada qaarada yurub qaybo kamid ah .

Hal qof ayaa sidoo kale lagu dilay dalka Albania ka dib markii ay koontarooli waayeen gaadhigii ay wateen, taasoo ka dhigeysa tirada dhimashada duufaanta ee qaaradda oo dhan 14.

Mas’uuliyiinta Ilaalinta Madaniga ah ee Talyaaniga ayaa sheegay in 200 milimitir (ku dhawaad ​​siddeed inji) oo roob ah uu da’ay saddex saacadood gudahood maalintii Jimcihii.

sidoo kale masuuliyiintu waxay sheegeen in ay ahayd xadiga ugu culus ee roobka ee la diiwaan geliyo 100-kii sano ee la soo dhaafay.

Qiyaastii 190 qof ayaa lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda, oo ay ku jiraan 150 ku yaal Campi Bisenzio, halkaas oo guryihii khatar ay wajahayaan iyadoo oo baabuurtiina kala badh biyaha dhex galeen.

.

Tareennada xawaaraha dheereeya ee u dhexeeya Florence iyo Milan ayaa hakad la geliyay iyadoo dad lagu qiyaasay 48,000 ay koronto la’aan noqdeen, dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah. Waxay u qoondaysay 5 milyan oo Yuuro ($5.4m) bilowga ah si loogu caawiyo meelaha ay sida xun u saamaysay fatahaadahan iyo roobabkani .

Mowjado waaweyn ayaa sidoo kale garaacay xeebaha Adriatic ee Balkans-ka, iyadoo dabaylo xooggani ay xididdada u siibeen geedo oo ay jeexjeexeen saqafyadii. Adeegyada doomaha ee isku xira jasiiradaha Croatia kuwaasi oo la hakiyay cimilada awgeed.