Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyaayaa ku riday Sheegow iyo Maleeshiyadiisa Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.
Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali oo ku dhintayFal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.
Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.
18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Labada dhaca gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.
Deeqow oo ahaa maal geliyaha kooxdan ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.