Itoobiya oo soo bandhigtay Ciidan Tiro badan.

Dawlada Itoobiya ayaa soo bandhigtay Quwadeeda milateri ee ay leedahay xilli ay dhawaan daaha ka qaadey damaceeda ah inay hesho deked iyo xeeb maadama oo ay kamid tahay wadamada ku yaala africa iyo caalamka ee aan lahayn wax bad ah.

Ciidamada saaka ay soo bandhigtay dawlada itoobiya ayaa waxa kamid ahaa ciidankeeda y utababartay inay noqdaan kuwa badda sidoo kale waxa itoobiya ay maanta soo bandhigtay ciidamada Cirka diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka lugta oo wata gaadiidka gaashaaman .

ujeedka ay itoobiya usoo bandhigtay ciidamadan ayaa ah xuska 116guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidamadaasi waxaan agoob joog ahaa madaxda ugu sareysa dawlada itoobiya .

si kastaba wadamada la jaarka ah ee itoobiya sida somalilad jabuuti soomaaliya iyo ereteria oo dhamaantood ah wadamo leh bad waxaanay dhamaantood ka jawaabeen hadal hore uga soo yeedhay raysal wasaaraha itoobiya Dr Aby ahmed oo sheegay in Wadankiisa oo tirada dadka kunool ay si xawli ah ukordheyso ay ubaahan yihiin bad iyo deked ay maalgashadaan