Shiinaha oo Eedeymo ujeediyey Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa dhaleeceysay warbixin ka soo baxday Pentagon-ka Mareykanka oo lagu faah faahinayo awoodda militari ee Shiinaha ee sii kordheysa iyo hubka Nukliyeerka ee bilihii ugu dambeeyay ee u dhexeeya labada quwadood.

“Waxaan muujineynaa sida aan ugu qanacsaneyn iyo sida aan uga soo horjeedno warbixintan,” afhayeenka Wasaaradda Difaaca Wu Qian ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo ku tilmaamay warbixinta mid buunbuuniyay buunbuunin ku saabsan “khatarta militari ee Shiinaha” oo aan jirin.

shiinaha ayaa wada dadaalo lagu horumarinaayo quwada milateri ee ciidankiisa iyadoo uu aad ula socdo tayeynta ciidamada mareykanka .

shiinaha ayaa sidoo kale tartan kula jira mareykanka kaasi oo ay ku tartamayaan suuqyada caalamka iyo maalgeshiga Africa