Burburkii Soomaaliya kadib waxa ay Haweenka kaalin wanaagsan ka cayaareen nolasha bulshada iyagoona u babac dhigay mas’uuliyada la xiriirta kaafinta nolasha qoysaska kadib markii raggii ay shaqooyin waayeen, waxaana Haweenka ay geed dheer iyo mid gaaban labaduba u fuuleen sidii ay dhaqaale ku abuuri lahaayeen waxaana maanta muuqaneysa in kaalin wanaagsan ay uga jiraan dhinaca ganacsiga iyagoona booskii hooyo ku darsaday booskii Aabaha laga rabay ee daryeelka qoyska ee dhanka Maaliyada.
Ku baraarujinta bulshada dhinacyada waxbarashada iyo Nabadda ayeey sidoo kale kaalin ka ciyaaraan Haweenka, waxaana iskuulada, Jaamacadaha, dugsiyada iyo dhamaan goobaha waxbarasho ee dalka lagu arkaa Haween waxbaranaya iyo kuwa waxbaraya dadka, sidoo kale ka shaqeynta Nabadda iyo ku dhiira galinta dhinacyada dagaalamaya joojinta colaada ayaa qeyb ka ah kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool xaaladaha adag ee Dalka uu dhex maquurnayo iminka.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa muuqaneysa in saamiga gabdhaha waxbarata oo ka sara marayo halkii sanada ka hor ay aheyd xaalada,waxaana iminka la arkayaa in Gabdha gabadan ay waxbarataan wallow aanay cadad ahaan u dhigmin Wiilasha.
Marka ay dhameestaan Gabdhaha waxbarashada dugsiga sare ama tan jaamacada waxay saami aan badneyn ka helaan shaqooyinka shirkadaha iyo hey’adaha ay bixiyaan wallow aanay haweenku u dhutin arinkaasi oo ay iskood shaqooyin u abuurtaan si ay nolashooda u kaafiyaan.
Caafimaadka ayeey sidoo kale kaalin wanaagsan uga jiraan Haweenka, waxaana tusaale aan cadeyn u baahneyn si fudud noogu noqon kara Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawe iyo Gabdhaheeda oo ah qoys Soomaaliyeed oo naftooda u hibeeyay u samafalida danyarta iyagoo adeegsanaya xirfadooda caafimaad.
Xaawo Cabdi iyo labadeeda Gabdhood dhawaan ayaa Dalka Maraykanka lagu gudoonsiiyay Abaalmarin ay ku muteesteen howsha la xiriirta dhanka samafalka ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen, waxaana sanadkii tagay lagu dhibaateeyay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho iyagoo howl samafal ku guda jira.
Maamulka dawladnimo karti iyo daacadnimo ayuu ku tanaadaa, kaalintaasna dumar baa kasoo dhalaali kara. Daacadnimo rag hoodo uma aha ee dumar baa ehel u ah. Dumarku fagaare la buuxo been kama sheego, dadb colaadeedna ma huriyaan.
Dumarku ma laayo kumanyaal wiil oo aan weli curan si uu darajo u gaaro. Dumarku uma hanqaltaago waxayna lahayn, mana xadaan hantida ummadda ka dhexaysa. Waa lasoo arkay kumanyaal rag ah oo lagu soo eedeeyey laguna xiry xatooyo xoolo dadweye, haddaana lama heli karo qof dumar ah oo tuugonimadaas lagu xanto. Inta raggu ku faano, dumarku waa ka xishoodaan. “Waxaadan lahayn ku mintid, wax kugu filan baad heli doontaaye,” waa loollan xadgudub ah oo ragga ku gaar ah, dumarnkuna ka fiyow yahay.
Maamulka dawladnimo ee dumarku hoggaamiyo, haddana ku tanaaday nabadayn iyo horumar bushadeed waxaa markhaati cad u ah haweenka reer Ruwaanda. 1994tii xasuuqii beelaha Ruwaanda ka dhacay Soomaali masoo main mana soo mari doonto. Dhacdadaas wixii ka dambeeyey, dumar baa xilkii dalka la wareegay, waayo raggiiba geeri bay u bateen.
Sida Gobollada Koofureed, Ruwaanda dumarka ayaa ragga ka badan, iyagaana gacaaaaaaaaat ku haya nabadda iyo horumarka dalkoodu gaaray. Boqolkiiba toddobaatan iyagaa barlamaanka u badan, inta badanna, shaqo kasta oo Ruwaanda ka socota dumar baa maareeya. Wax kale iska daaye, ciidan baa Ruwaanda noo soo dirtaa na kala ilaaliya si aanaan isu-layn. Dumarka Ruwaanda kama qiiro iyo tayo badna kuwa Soomaaliyeed ee baraarugsanaanta iyo is-xilqaamidda ayaa laysku dhaafay. Hala soo booqdo hana loo kuurgalo wacdaraha dumarkaasu dalkooda ay ka sameeyeen. Tanu waa yaabe…! .
Marka si qota dheer loo eego hamiga haweenka ee sara u sii kacaya waxaa muuqaneysa in haweenka kaalintooda ay sii balaaran doonta sabab la xiriirta haweenka waxbaranaya oo sii kordhaya.
Marka kor baan kusoo xusnay haweenku doorka ay bulshada ka taagan yhiin iyo sidaay wax ugu qabtaan ilahy waxaan uga baryayaan inu lagarb galo badbaada bulshada soomaliyee cfmd iyo nbadna ku ilaaliyo meelksta oo ay joogaan waa halboowlha umdda soomaliyeed iyo laf dhbr lguwdda tiirsan yhye aamiin