Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in hannaanka casriga ah ee difaaca gantaallada loo dirayo Bariga Dhexe, kuwaas oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (THAAD), waxana la socda gantaallada kale ee wax difaaca ee loo yaqaanto baatriyoot.
Hannaanka casriga ah ee difaaca gantaallada ee THAAD ayaa loogu talagalay in ay soo ridaan gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dhexe inta ay hawada ku jiraan.
Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa intaa ku daray in ciidamo dheeraada loo diri doono mandiqada, in kastoo aanu sheegin tiradooda.
Qoraal ka soo baxay Pentagon ka ayaa lagu sheegay in arintan ay ka dambeysay dhaqdhaqaaqyada Iiraan iyo xooggaga ay taageerto ee Gobolka Bariga Dhexe.
Weerarrada ka dhanka ah ciidamada Maraykanka ee jooga Suuriya iyo Ciraaq ayaa kordhay tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka Xamaas iyo Israa’iil labo todobaad kahor.
Tan iyo markii uu dhacay weerar kii lala fajacay ee Xamaas ku qaaday Israa’iil, Maraykanka ayaa mandiqada u diray markabka diyaaraddaha xamaara, wuxuna balan qaaday in Israa’iil uu siinayo saanad milatari iyo rasaas.