Israel oo markale weerartay Falastiin.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warantay in ugu yaraan 25 qof lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday magaalada Rafah ee koonfurta Qaza. Ugu yaraan 17 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen iyadoo saddex guri ay ku dheceen Khan Younis, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera Arabic.