Israel iyo xamaas oo war cusub kasoo saarey Dagaalka udhaxeeya .

Warkan ayaa yimid kadib markii saraakiil ka tirsan hay'adda amniga ee Masar ay faafiyeen in xabadjoojin laga gaadhay marinka Rafax oo ku beegan halka laga baxo ama laga soo galo Qasa dhanka Masar

Ururka Xamaas iyo Israel ayaa beeniyay in xabadjoojin laga gaadhay marinka Koonfurta Qasa. Sarkaal u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in aanu jirin wax heshiis iyo xabadjoojin ah.

Warkan ayaa yimid kadib markii saraakiil ka tirsan hay'adda amniga ee Masar ay faafiyeen in xabadjoojin laga gaadhay marinka Rafax oo ku beegan halka laga baxo ama laga soo galo Qasa dhanka Masar

Warkan ayaa yimid kadib markii saraakiil ka tirsan hay’adda amniga ee Masar ay faafiyeen in xabadjoojin laga gaadhay marinka Rafax oo ku beegan halka laga baxo ama laga soo galo Qasa dhanka Masar.

Warkaas waxaa faafisay wakaalada wararka ee Reuters. Afhayeenka ciidamada difaaca Israel Richard Hecht ayaa=sheegay: “Ma jirto xabad joojin la isku raacay oo aan ka warqabo. Sidoo kale waxaan arkayaa warbixinadaas oo dhan, ma jiraan wax aan xaqiijinayo.”

Ururka Xamaas ayaa sidoo kale sheegay inaanay jirin wax-xabadjoojin ah oo ay ka warqabaan oo la gaaray. Xabadjoojinta ayaa laga rajo qabay inay albaabka u furto gurmadka iyo gargaarka ku socda Qasa, ama dadka ka qaxaya halkaas ee kusii jeeda Masar.